Nicholas Kay oo ka hadlay xiisadda ka taagan Somaliland

Nicholas Kay oo ka hadlay xiisadda ka taagan Somaliland

daajis.com:War kasoo baxay xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Ergeyga Gaarka ee XGQM ee arrimaha Soomaaliya, Nickolas Kay uu aad uga welwelsan yahay gacan ka hadalka Sabtidii shalay ahayd ka dhacay gudaha baarlamaanka Somaliland.


 Warka ayaa xusay in ay jiraan xubno ka mid ah baarlamaanka oo la xirxiray, gacan ka hadalkii dhacayna, sida hadalka QM lagu sheegay, uu keenay in xildhibaaanada qaarkood uu dhaawac soo gaaro.

Ergeya Gaarka ah Nickolas Kay oo warbixinta lagu soo xigtay ayaa sheegay in “Somaliland ay horumar dhinaca doorashooyin dimoqraadi ah sameynaysay, gacan ka hadalkuna uu horumarkaas dib u dhigi karo.”


Nickolas Kay ayaa intaas ku daray “Dhamaan dhinacyada waxaan ugu yeerayaa in ay si xakameeyaan, hanaanka Dimqoraadiga ahna si buuxda loo ixtiraamo.”

VOA-somali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada