VIDEO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo mooshin xil ka xayuubin ah laga keenay

VIDEO:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo mooshin xil ka xayuubin ah laga keenay

daajis.com:-Fadhigii Golaha wakiilada Somaliland ee maanta dhici lahaa ayaa buuq hareeyay, kadib markii Gudoomiyaha Golaha wakiilada mooshin xil ka xayuubin ah laga keenay, iyadoo muddo labo cisho la hakiyay kulankan.

Golaha Guurtida Somaliland oo ah aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa soo kala dhex galay, waxaana uu codsaday in labo cisho la siiyo, si uu khilaafka u xaliyo. Ilaa 43 mudane oo ah mudanayaasha muxaafidka ayaa kulankan ka soo qeyb galay, iyadoo mudanayaasha mucaaradka aanay soo xaadirin, kuwaasoo qaarkood xabsiga la dhigay.

Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiilada Baashe Maxamed ayaa sheegay inay aqbaleen codsiga Guurtida, isla markaana uu xiran yahay shirka muddo labo cisho, dibna la isku soo laaban doono.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxmaan Cirro ayaa sheegay in saakay laga hor-istaagay inuu galo Baarlamaanka, isla markaana uu ku sigtay in askartiisa qoryaha laga dhigo, waxaana uu sheegay in inqilaab uu ka dhacay xarunta Golaha wakiilada.

Mr Ciro ayaa ugu baaqay in xarunta baarlamaanka sidiisa lagu soo celiyo, oo ay xukuumada ciidamada ka dulqaado, taasoo keentay muran badan.

Khilaaf xoogan ayaa ka taagan mooshin xil ka xayuubin ah oo laga keenay Gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro, iyadoo muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumada iyo Mucaaradka uu cirka isku sii shareerayo.




Ciidamo fara badan oo Boolis ah ayaa saakay lagu arkay wadooyinka iyagoo taagan, isla markaana xiray wadooyinka soo galay dhismaha xarunta golaha wakiilada, waxaana dadweynaha Somaliland ay dhegaha u taagayaan xaaladahan soo korortay.

Dhinaca kale Banaan bax looga soo horjeedo mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Gobolaha Wakiilada ayaa maanta ka dhacay magaalada Burco, iyadoo rasaas ay ciidamada booliska ku fureen ay ku dhimatay qof dumar ah, labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Muqdisho iyo Hargeysa ayaa haatan isaga mid ah mooshinka iyo jahwareerka siyaasadeed ee soo kala dhex galay madaxda labada dhinac.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada