Ardey:- Pakistani ah oo noqdey Wiilka ugu nasiibka badan (alle dilaa dhinta!)

Ardey:- Pakistani ah oo noqdey Wiilka ugu nasiibka badan (alle dilaa dhinta!)

daajis.com:-  Dawood Ibrahim waa 15 jir u dhashay Pakistan, wuxuuna noqdey Wiil lagu tilmaamay in uu yahay kan ugu nasiibka badan dunida, kadib markii uu ka bad baadey xasuuqii loo geystay ardeyda tirada badan magaalada Peshawar ee Pakistan.

Taliban ayaa xasuuqan geysatey, kadib markii ay weerareen Iskuul ay gacanta ku hayaan askarta Pakistan, waxaana xasuuqaan ku dhintay in ka badan 140 ruux oo ardey yaryar u badan.

Dawood Ibrahim oo 15 jir ah ayaa la sheegay in uu subaxdii xasuuqani dhacayey uu ka baaqdey iskuulka sababtoo ah waxaa u shaqeyn waayey Toosiyihii saacaddiisa (Alarm) waxeyna dhalisay in uu iskuulka uga baaqdo hurdo la tagtey.

Nasiibkiisa ayaa noqdey in dhamaan ardeydii fasalka 9aad la dhiganeysa Dawood ay dhintaan, uuna noqdo shaqsiga kali ah ee ka nool iminka.

Walow uu Dawood noqdey shakhsi aad u nasiib badan, hadana waxaa la sheegay in mashaqadii asxaabtiisii ku dhacdey ay noqon karto dhaawac noloshiisa iyo maskaxdiisa saameyn ku yeelan kara intuu nool yahay.

Hadabala halkan hoose ka arag sawir muujinaya wiilkan nasiibka badan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada