Daawo Sawirada:- Safarka Madaxweyne Xasan uu ku aaday Magaalada Kismaayo

Daawo Sawirada:- Safarka Madaxweyne Xasan uu ku aaday Magaalada Kismaayo

daajis.com:- Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Leone ee ka midka ah Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay wehlinayeen xildhibaano, saraakiil, odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha si weyn ugu soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Jubba, iyo qeybaha kale duwan ee buslaada ku nool magaaladaasi, iyagoo intaa kaddib ka qeyb galay munaasabaasi lagu sagootinayay Ciidamada Seirra Lion.oo dib ugu laabanaya dalkooda.

Ciidamada Seirra Leone ee ka baxaya Soomaaliya ayaa sababta dalkooda ay dib ugu laabanayaan ay tahay, kadib markii la waayay ciidamadii bedeli lahaa, maadaama uu dalkooda ka dilaacay cudurka Ebola.



Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyay ciidamadaasi ka tagaya Soomaaliya inay si nabad ah dalkooda ku tagaan, waxaana uu ku ammaanay kaalintii ay ka qaateen howl galka AMISOM intii ay ku sugnaayeen Gobolada Jubooyinka.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Kismaayo waxa uu kulan la qaatay mas’uuliyiinta maamulka Jubba iyo qeybaha kale duwan ee bulshada Jubooyinka oo uu kala hadlay xoojinta Dowladnimada iyo in ay kaalin ka qaataan horumarinta deegaannada Jubbooyinka.

Ciidamo ka socday Seirra Leone oo bedel u ahaa ciidamada ku sugnaa Jubooyinka ayaa mid ka mid ah ciidankaas laga helay cudurka Ebola, taasoo keentay in ciidamadaas la baajiyo, waxaana ciidanka ku sugnaa Soomaaliya aanay muddo sanad ka badan ay ahaayeen kuwo aan la bedelin, maadaama laga cabsi qabay hadii la bedelo in cudurka Ebola uu ku soo faafo Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa la sheegay inuu raadinayo ciidamadii lagu bedeli lahaa ciidanka Seirra Leone oo wixii hada ka dambeeya si rasmi ah isaga baxaya Soomaaliya.

Waa ciidamadii u horeysay ee ka tirsan AMISOM oo ka baxa Soomaaliya, tan iyo markii Midowga Afrika uu bilaabay in ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya sanadkii 2007-dii, waxaana haatan ku sugan Soomaaliya ciidamo ka socda dalalka Uganda, Brundi, Kenya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Wafiga uu hogaaminayo madaxweynaha ayaa goor dhow magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada