Booliska Kenya oo Ku Daba Jooga Xubno looga Shakiyay Weeraradii Mandheera

Booliska Kenya oo Ku Daba Jooga Xubno looga Shakiyay Weeraradii Mandheera

daajis.com:-Booliska Kenya ayaa magacaabay labo qof oo ay sheegeen inay ka tirsan Ururka Al Shabaab kuwaasoo ka soo jeedo dalkaan Kenya, isla markaasna ay ku eedeyeen iney ka danbeeyeen weerarro lagu dilay 64 qof oo dhawaan ka dhacay ismaamulka Mandheera.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Agaasimaha Waaxda Baarista Dambiyada Kenya ee CID, ayaa lagu sheegay in ragga lagu kala magacaabo Mohamed Mohamud (Dulyadeyn) iyo Ahmed Imaan Cali oo lagu naaneyso (Abu Zinira), looga shakisan yahay iney ka dambeyeen weeraradii ka dhacay agagaarka Magaalada Mandheera 22 November iyo 1-dii bishaan December ee lagu dilay dadka tirada badanaa.

Gedion Kimilu oo ah Agaasimaha Waaxda Dambi Baarista Kenya, ayaa sheegay in Maxamed Maxamuud (Dulyadeyn) uu ka soo jeedo Magaalada Gaarisa ee gobalka Waqooyi Bari Kenya isla markaasna uu istcimaalo magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Sheekh Mohamed, Dulyadeyn, Gacma-dheere iyo Maxamed Kuno, hadana uu yahay Taliyaha Al Shabaab ee Gobollada Jubbooyinka.

Maxamed Kuno, ayuu ku sheegay inuu Maamule ka ahaa Madaraso ku taallo Magaalada Gaarisa ka hor inta uusan ku biirin Xoogaga ka dagaalamo wadanka Soomaaliya sanadkii 2000.


Dhanka kale Axmed Imaan Cali (Abu Zinira), oo isagana ah qofka labaad ee lagu eedeyay inuu wax ka maleegay Weeraradaas, ayaa Dambi-baarista Kenya waxey sheegeen inuu ka tagay Xaafada Majengo ee Magaalada Nairobi, hadana uu Madax oga yahay Al Shabaab qeybta soo saarista Muuqaalada ay duubaan.

Abu Zinira, ayey ku sheegeen inuu ka qalin jabiyay Kuliyadda Injineeriyada ee Jaamacada Jomo Kenyatta- uuna bartay Culuumta Beeraha iyo Teknolojiyada ka hor inta uunan ka shaqo bilaabin Shirkad Saliid. Sidoo kale Ahmed Imaan ayey CID-du sheegtay inuu ahaa Xog-hayaha guddiga Masaajid lagu magacaabo Riyaada oo ku yaallo Xaafada Pumwani ee magaalada Nairobi, isagoo ka mid ahaa Ardaydii Sheekh Cabuud Rogoo oo sanadii 2012 lagu dilay magaalada Mombasa xili dowlada Kenya y ku eedeysay inuu ahaa wadaad xag’jir ah.

2009 ayuu Abu Zinira ka tagay Kenya isla markaasna uu biiray Al Shabaab; wuxuuna soo bandhigay dhawaan muuqaal uu ku amaaanayay weeraradii Mandheera oo uu ku sheegay iney ahayaan kuwa loogu aargudaayay dad Muslimiin ah oo loogu laalay gobalka Xeebta Kenya.

Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay Waaxda Dambi baarista Kenya oo uu ku sixiixnaa Agaasimaha waaxdaas, ayaa waxaa loogu soo bandhigay shacabka Kenya Lacag abaal marin ah oo gaareyso 2 Milyan in la siin doono qofkii keeno macluumaad la xiriiro labadaas qof halka ay ku sugan yihiin.



"Qof allaale qofkii arko ama helo warbixino ku saabsan halka ay ku sugan yihiin raggaas Al Shabaab ka tirsan ha u gudbiyo Saldhigga ogu dhow ee ay leeyihiin Ciidamada Booliiska ama qeybta maamulka ee halkaad joogtid si loo soo xiro. Waxaan idin kaga mahad celinayaa sidaad nooga caawineysaan la dagaallanka arrinkan," ayuu yiri Gideon Kamilu oo Agaasime ku xigeenka CID-da Kenya.

Gideon Kamilu, wuxuu sidoo kale ku sheegay iney heleen cadeymo muujinaayo in labadaas Hogaamiye ay ka dambeeyeen weeraradii ka dhacay Gobalka Waqooyiga Kenya oo midkii koowaad uu ahaa kii dhacay 22 november oo lagu dilay 28 qof saarnaa oo Baska Maka ee u kala safraayay magaalooyinka Mandheera iyo Nairobi iyo waliba weerarkii labaad oo dhacay isbuuc kadib 1-dii December, kaasoo isagana lagu dilay 36 qof oo ka shaqeynaayay goob laga qodo Dhagxaanta Guryaha lagu dhiso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada