Caafimaad Miyaa Ku Jira Cabista Shaaha Cadayska Ah (DARAASAD)

Caafimaad Miyaa Ku Jira Cabista Shaaha Cadayska Ah (DARAASAD)

daajis.com:- Soomalida waxa dabeecad u ah inay cabaan shaaha cadaysan se laakin way yartahay inta iswaydiisa in cabitaankiisu caafimaad leeyahay iyo inkale. Maxaad ka taqaana shaaha cadaysan? Culimada sayniska ee reer Jarmalka ah ayaa baadhitaan qoto dheer ku sameeye shaaha caanaha lagu cadeeyo. Baadhitaanka natiijada kaga soo baxday ayaa noqotay mid culimadaa kaga yaabisay.

Shaaha marka aan caanaha lagu cadayn faa’idoyin fara badan ayuu caafimaadka u leeyahay, faa’idoyinkan oo ay ka mid yihiin: ka hortaga xanuunada wadnaha, xoojinta difaaca jidhka, ka hortaga kansarka iyo manfacaad kalo badan. Sidoo kale caanaha marka sidiisa loo cabo caafimaad badan ayaa ku jira.

Hadaba shaaha marka la cadeeyo wuxu noqdaa mid bilaa faa’ido ah sababto ah maadada ku jirta shaaha iyo ta ku jirta caanaha ayaa iska hor imanaya. Borotiinka caanaha ku jira ee loo yiqaano “caseins” ayaa ka hor timaada “catechins” oo ah maadada ku jirta shaaha. Culimadan reer Jermalka ah ayaa natiijadan gaadhay ka dib  markii ay tijaabo ku sameeyeen 16 dumar ah.

Cabitaanka shaaha cadaysan wax dhib ah kuma hayo caafimaadkaaga se laakin hadaad doonaysid inaad si buuxda u heshid faa’idoyinka fara badan ee shaaha ku jira waa inaad sidiisa ku cabtaa, sonkorta laftigeeduna dhibaato ayey leedahay markaa waa inaad ku yareesaa ama kaba daysaa hadaad karaysid.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada