Dhageyso: Xildhibaano ku dhagan Ra’iisul Wasaare Sharmaake

Dhageyso: Xildhibaano ku dhagan Ra’iisul Wasaare Sharmaake

daajis.com:-Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf Jabriil oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ka soo horjeeday Mooshinkii ay Codka ku weysay Xukumaddii hore ee C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa digniin u diray Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya.

Cabdi Barre Yuusuf ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake in uusan Xukumadiisa ku soo darin Wasiiradii Xukumaddii C/wali Sheikh Axmed ee sheegay Xiligii Khilaafka in ay iscasilayaan hadii uusan Ra’iisul Wasaaruhu  Xilka ka dagin iyo Xildhibaanadii u ololeenayay in Xukumaddaasi la rido.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in hadii ay taasi dhacdo uu Cumar C/rashiid Sharmaake la Kulmi doono Cawaaqib Xoogan oo Xildhibaanada uga imaan karta sida uu sheegay.

Hadalka Xildhibaanka ayaa imaanaya iyadoo ay jirto Wasiiro katirsanaa Xukumaddii hore iyo Xildhibaano Baarlamaanka kamid ah oo raadinaya in ay Wasiir ka helaan Xukumadda Mr Sharmaake.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada