Ra’isal wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya oo kulan la qaatay safiiro badan(Sawiro).

Ra’isal wasaaraha Cusub Ee Soomaaliya oo kulan la qaatay safiiro badan(Sawiro).

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Cumar Cabdirashid Cali Sharmake ayaa Maanta kulamo salaan iyo hambalyo isugu jira la qaatay safiirada Djabouti, Turkiga iyo Wakiilka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa ee Soomaaliya.

Danjirayaasha iyo Raiisul wasaaraha Magacaaban ayaa Kulamadooda waxay ahaayeen kuwa isuggu jiray Salaan, Hambalyo iyo Isbarasho, waxayna ku dhaceen jawi daganaan ka muuqato, iyagoona soo gaarsiiyey Hambalyo ay uga sideen madaxda dalalkooda iyo Xooghayha Guud ee Qarmada Midoobay, waxayna u balan qaadeen in ay sii xoojin doonaan xiriirkii ka dhaxeeya dalalkooda iyo dowlada Soomaaliya.

Danjirayaashaan ayaa kala ahaa Danjire Nicholas Kay, Wakiilka Xog-hayaha guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhaxeeysa, Danjiraha Dowladda Turkiga ee Soomaaliya Danjire Olgan Bekar iyo Danjiraha dowladda Jibuuti ee dalka Soomaaliya Doubad Robleh.

Cumar Cabdirashidi ayaa Raiisul wasaaraha loo Magacaabay Maalinimadii arbacadda ee todobaadkaan, waxaana laga sugayaa shaqo balaraan oo qabyo ahayd oo ay u horeeyso inuu soo dhiso xukuumad tayo leh.

HOOS KA DAAWO KULANKA SAFIIRADDA IYO RAIISUL WASAARAHA:







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada