VIDEO:- Ciidamo Boolis Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray Dalka Jabuuti

VIDEO:- Ciidamo Boolis Soomaali ah oo tababar loogu soo xiray Dalka Jabuuti

daajis.com:-Ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo tiradoodu gaareysay ilaa 147 askari, islamarkaana muddo Sadex bilood ah tababar ku qaadanayay dalka Jabuuti ayaa shalay loo soo gebagebeeyay.

Xafladdii xiritaanka tababarkaasi ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan ciidanka Djibuti, kuwasoo kula dardaarmay ciidanka iney dadkooda ugu adeegaan aqoonta ay ka kororsadeen tababarka.





Ciidanka tababarka loo soo xiray ayaa la soo baray Xeelado muhiim ah oo ay isticmaalaan ciidanka booliiska, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen ka hortagga dembiyada, baarista meydadka, iyo sida looga hortago rabshadaha abaabulan iyo bad baadinta Mas’uuliyiinta marka uu weerar dhaco.

Ciidankan ayaa lagu wadaa ineey maanta dalka dib ugu soo laabtaan, si ay uga qeybgalaan xuska sanadguuradii 71-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliska Soomaaliya oo ku beegan berri oo sabti ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada