VIDEO:- Wafdi ka socday Dowlada Ingariiska oo maanta Gaaray Magaalada Baledweyne

VIDEO:- Wafdi ka socday Dowlada Ingariiska oo maanta Gaaray Magaalada Baledweyne

daajis.com:-Wafdi uu hogaaminayay ku xigeenka safiirka safaarada Britain ee Soomaaliya, Edward Even, ayaa manta gaaray magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

wafdiga ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka Ugaas Khaliif ee magalaada Baladwayne xubno ka tirsan masuuliyiinta gobolka Hiiraan, kuwa degmada Baladwayne iyo dad wayne kale.

Wafdiga ayaa garoonka waxay kulan kula qaateen gudoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fatax Xasan Afrax, iyagoo kulankasi kadib shir jaraa’id oo ay ku qabteen gudaha garoornka warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen.




Ku xigeenka Safiirka dowladda Britain u jooga Soomaaliya, ayaa sheegay in Magaalada Baladwayne ay u tageen sidii ay dowladda Britain ugu muujin lahayd shacabka iyo maamulka gobolka Hiiraan sidii ay ugala shaqayn lahayd howlgalka ka dhanka amaan darada iyo horumarka dhinacyada kala duwan ee gobolka.

Mr Even ayaa sidoo kale ku amaanay maamulka gobolka Hiiraan ka shaqaynta horumarinta amaanka iyo ku soo celinta gobolka Hiiraan nabad galyada iyo kala danbaynta, waxayna wafdigaasi kulanka kadib dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan, C/fatax Xasan Afrax, ayaa isna sheegay in dowladda Britain ay u balan qaaday maamulkiisa sidii ay uga taageeri lahayd horumarinta nidaamka federaalka iyo dhismaha maamul ay yeeshaan Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada