Ciidamada DF oo duulan ku ah ilaa Seddex Saldhig oo ay leeyihiin Maleeshiyada Alshabaab

Ciidamada DF oo duulan ku ah ilaa Seddex Saldhig oo ay leeyihiin Maleeshiyada Alshabaab

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Saraakiisha Ciidamada DF Somalia ee Magaalada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Ciidamada Militeriga Dowlada ay u diyaar garooben dagaal culus oo ka dhan ah Maleeshiyada Alshabaab.

Saraakiisha ayaa sheegtay in Ciidamada DF ay isku diyaariyeen qaadista weeraro lagu qaada inkabadan Seddex saldhig oo ay leeyihiin Maleeshiyada Alshabaab kuwaasi oo ku yaalla deegaano ka tirsan Gobolkaasi.

Sidoo kale, Cali C/laahi Nuur oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Degmada Tiyeegloow ciidamada Dowladda Somalia ayaa sheegay inay wadaan qaban-qaabada ku aadan qaadista weeraro ka dhan ah Ururka Shabaab.

Wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay qaadayaan weeraradaan si Shabaab looga saaro, deeganada ku xeeran Tiyeegloow ee ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda.


Cali C/laahi Nuur waxa uu Tilmaamay in qorshaha weeraradaan ay kaga gol leeyihiin sidii loo furi lahaa wadooyinka Tiyeegloow hoostagga oo Shabaab ay go’doomiyeen.

Dhanka kale, Maleeshiyada Alshabaab ayaa go’doomiyay Magaalooyinka Gobolada Baay iyo Bakool ay ka joogaan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada