Ciidamadii laga saaray Dhuusomareeb & Guriceel oo qorshe halis ah wada

Ciidamadii laga saaray Dhuusomareeb & Guriceel oo qorshe halis ah wada

daajis.com:- Sida ay sheegayaan wararka aan helayno ciidamadii dhawaan laga saaray degmooyinka Dhuuromareeb iyo degmada Guriceel ayaa isku urursanaya deegaanka Bali-howd oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Deegaanka Bali-howd oo ku yaala meel ku dhow degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamo badan oo ka tirsan kuwii laga saaray degmada Guriceel iyo Dhuusomareeb, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Ahlu sunna.

Wararka ayaa sheegaya in deegaankaasi uu ku sugan yahay Macalim Maxamuud Sheikh iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Ahlu suna kuwaasi oo wada abaabul dagaal oo ay ku qaadayaan degmada Dhuusomareeb oo dhawaan ciidamada dowlada ay kala wareegeen.

Sheikh Xasan Cali Cabdi, oo kamid ah masuuliyiinta ururka Ahlu sunna oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay wadaan abaabul dagaal oo ka dhan ah ciidamada dowlada Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ciidamadaasi ay diyaar garoobeen.


“Haddii aan ku suganahay meelo kala duwan, qorshaheyna ma ahan inaan duulaan ku nahay meelo kale, laakiin waxaan rabnaa inaan si nabad ah kula wareegno deegaanadii aan kasoo baxaynay”

“Haddii aan nahay Ahlu sunna waxaan rabnaa inaan deegaanadeynii aan si nabad ah kula wadaagno, sababtoo ah ma dooneyno in dad ay ku dhintaan ama ay naga dhaawacmaan” sidaasi ayuu yiri Sheikh Xasan Cali.

Ahlu sunna ayaa bilowgii bishaan lagala wareegay degmooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada dowlada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada