Xiisad ka dhex taagan Shabaab iyo Abuu Masuur oo Digniin loo diray

Xiisad ka dhex taagan Shabaab iyo Abuu Masuur oo Digniin loo diray

daajis.com:-Afhayeenka Kooxda Al-shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa fariin hanjabaad ah u diray saraakiil ka mid ah Al-shabaab, oo ugu horeeyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Waxaa ku qorneed in hadii aanay kasoo leexan wado qaldan oo uu sheegay Dheere in saraakiishaan ay ku taaganyihiin in ay mari doonaan wadadii la marsiiyay Ibraahim Afgaan.

Waxa uu u sheegay in xilligaan aanay u baahneen cadow dhexdooda ah, islamarkaana dowladda iyo AMISOM wax u dhaxeeya aysan rabin, hadii saraakiishaan aanay is keenin muddo kooban gudaheeda in loo aqoonsanayo cadowga Kooxda.

Qoraalkaan oo ay heleen ragii loo waday ayaa durba waxaa la dareemay xiisad aan caadi ahayn, waxaana abaabul xoogan sameeyay sida la sheegay ciidamada saraakiishaan oo iskaashanaya.

Godane ayaa Laba u kala qeybiyay Al-shabaab, hase ahaatee markii uu isaga dhintay awood ahaan wey daciifeen, iyaga oo waliba hogaamiye Sameystay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada