Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Sharciga Xuduudaha & Federaalka

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Ansixiyay Sharciga Xuduudaha & Federaalka

daajis.com:-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ku ansixiyay kulan ay Muqdisho ku yeesheen sharciga guddiga xuduudaha & federaalka oo ay ka doodayeen labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Golaha ayaa sharciga ku ansixiyey fadhigii 21aad ee kalfadhigiisa shanaad oo maanta ay xaadireen 145 xildhinaan, uuna guddoomiyey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha, Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaannada ayaa cod u qaaday ansixinta sharciga, waxaana oggolaaday 129 mudane, waxaana diiday 13 mudane, halka uu ka aammusay hal mudane.

Furitaanka kulanka kaddib ayuu guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Baarlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Xildhibaanada u cadeeyay in wax ka badal lagu sameeyay Hindise sharciyeedka guddiga Xuduudaha iyo federaalka.

Siihayaha Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Xildhibaannada uga mahadceliyay meel marinta hindise sharciyeedka Guddiga xuduudaha iyo shaqaalihii soo diyaariyay hindise sharciyeedkan.

Intaas kaddib Xildhibaannada ayaa waxa ay gudaha galeen ajandaha labaad ee kulanka oo ah dhageysiga waxa ay hay’adda Nabad sugidda ka qabatay dilalka Xildhibaannada loogu geystay Muqdisho.

Taliyaha Hay’adda NISA Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa baarlamaanka ka hor sheegay in hay’addu ay bur burisay labo shabakadood oo ay Shabaabku ku lahaayeen Muqdisho, kuwaasi oo geysan jiray dilalka Xildhibaannada iyo dadka kale ee bulshada wax galka u ah.

“Labada shabakadood ee la bur buriyay waxaa ka howlgeli jirtay 11 qof, oo sideed ka mid ah gacanta lagu hayo, halka saddexda kale ay baxsadeen oo ay ka carareen magaalada Muqdisho” ayuu yiri Taliye Tuuryare.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka mudane Mahad Cabadalla Cawad aya soo xiray shirka baarlamaanka ee maanta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada