Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ku soo laabtay kana hadlay shirarkii Jabuut

Madaxweyne Xasan oo Muqdisho ku soo laabtay kana hadlay shirarkii Jabuut

daajis.com:- Madaxweynaha dowladda faderaalka Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta ku soo laabtay Muqdisho,kaddib safar qaatay muddo kooban oo u ku tagay dalka Jabuuti.

Xasan oo ay waheliyeen mas’uuliyin ka tirsan dowladda faderaalka Soomaaliua waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo warfidiyeenada kula hadlay qeybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde ayaa tilmaamay in dalka Jabuuti uu kula kulmay wafdi uu hogaaminayay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan sidii loo dar dar gelin lahaa wada hadaladii u dhexeeyay labada dhinac.

Madaxweynaha ayaa xusay in shirka ay ka soo saareen bayaan ku aadan dhowr qodob oo lagu heshiiyay, isagoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle uga mahadceliyay qaban qaabada kulanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada