Daawo:- Askar Yuhuud ah oo ceeji ku dilay wasiir Falastiini ah

Daawo:- Askar Yuhuud ah oo ceeji ku dilay wasiir Falastiini ah

daajis.com:- Wasiir ka tirsanaa dowladda Falastiiniyiinta ayaa dhintay kaddib markii ay isku dheceen isaga iyo ciidamada Israa'iil, xilli uu banaanbax ka socday dhulka la haysto ee daanta Galbeed.


Sawir lagu baahiyay internetka ayaa muujinayay askari Israa'iili ah oo cunnaha hayo Ziad Abu Ein oo markaas kaddib dhulka ku dhacayo isagoo xabadka haysta.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in wasiirka ay ku dhacday gasac wayn oo ay ku jirtay suntan dadka ka ilmeysiisa.

Dadkii dibadbaxa kala qeybgalayay ayaa sheegay inay si nabad ah isugu soo baxeen si ay geedka saytuunka ugu beeraan meel u dhow dhulka ay Israa'iil haysato. Waxaa jirta warar sheegaya in Abu Ein uu xanuunsanaa, taasna ay sababtay geeridiisa.
Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamud Cabbas ayaa ku tilmaamay ficilka wasiirka ku dhintay mid wuxuushnimo ah. Sarkaal sare oo u hadlay Falastiin ayaa sheegay in arrintan ay sabab u noqon doonto inay istaagto wada shaqeynta dhanka amniga kala dhexeysa Israa'iil.

Abu Ein waxa uu ahaa madaxa qeybta Israa'iil kala shaqeyneysay joojinta deegaameynta ay ka wadaan Daanta Galbeed iyo derbiga kala qeybinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada