Ciidamada dowladda oo Xali howlgal ka sameeyey Degmada Howl wadaag ee G/Banaadir.

Ciidamada dowladda oo Xali howlgal ka sameeyey Degmada Howl wadaag ee G/Banaadir.

daajis.com:- Masjidka Xareed oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Baar ubax ee magaalada Muqdisho ayaa Caawa salaadii maqrib kadib waxaa howlgal kasameeyey ciidamada dowladda soomaaliya.

Howl galkaani oo kadhacay Xaafadda Xaawo Taako ayaa lasheegay in uu salka ku haye bam xalay lasheegay in lagu tuuray xarunta waaxda Xaawa Taako oo aanan sidaa ugu fogeyn Isgoyska Baar Ubax.

Goob joogayaal codkooda iyo Magacooda qariyey ayaa HMN ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyey in ay indhahooda saareen dhalinyarada oo la amrayo in ay shaararka kor uqaadaan.

Xilliga Baaritaanka iyo howl galkaasi uu dhacay ayaa waxa ay aheyd Xilli dadka ka shaqeysta Suuqa Bakaaraha ay kasii hoyanayeen.


Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka degmada Howl wadaag oo ku aadan howlgalkaasi tirada dad ee lagu qab-qabtay iyo halka iminka lagu baarayo hadii gacanta lagu dhigay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada