Golaha Amaanka oo bayaan kasoo saaray arrimaha Somalia

Golaha Amaanka oo bayaan kasoo saaray arrimaha Somalia

daajis.com:-  Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ay yeesheen ka soo saaray bayaan ay uga hadlayaan kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii codka kalsoonida loogala laabtay Ra’iisul Wasaaraha iyo xasilooni darada siyaasadeed ee mudooyinkan ka jirtay Soomaaliya.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in booqashadii xubnaha joogtada ee Golaha ammaanka iyo tii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu ku tahay Soomaaliya ay labadana aheyd mid muhiim ah, isla markaana hoosta ka xariiqay inay ahmiyad u laheyd sidii hogaan mideysan loogu heli lahaa Siyaasada Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa waxay muujiyeen wal walka ay ka qabeen degenaansho la’aanta siyaasadeed ee dhowaan ka jirtay Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto nabada iyo xasiloonida

Sidoo kale Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa soo dhoweeyay tallaabadii lagu xaliyay khilaafkii siyaasadeed, waxayna ammaaneen tallaabadii uu Ra’iisul Wasaaraha ku aqbalay natiijadii kulankii Baarlamaanka, waxaana uu Goluhu garwaaqsaday kaalintii wanaagsaneyd uu ka qaatay nabada, iyo horumarka Soomaaliya

UN-meetXubnaha Golaha Ammaanka ayaa mar kale ku celiyay taageerada ay u hayaan in sida ugu dhakhsiyaha badan loo hirgeliyo “Hiigsiga 2016″ oo qorshuhu yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho, waxayna ugu baaqeen Madaxeynaha inuu si deg deg ah ku soo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, kaasoo soo dhisa dowlad loo dhan yahay.

Golaha ammaanka ayaa ku nuux nuuxsaday in dib u soo celinta xaslooni siyaasadeed ay muhiim tahay, iyadoo ay socdaan howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab,

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay inay walaac ka qabaan in xasilooni darro siyaasadeed oo dheeraad ah hadii ay Soomaaliya ka dhacdo ay wiiqo karaan horumada la gaaray ilaa iyo hadda, waxaana ay tilmaameen in xilligan ay ahmiyad leedahay hogaan siyaasadeed cusub, kaasoo diirada saara fulinta waxyaabaha horyaala dowladda, sida dib u eegida dastuurka qabyada ah iyo dhisida Gudiga doorashada, si looga hortago dhibaatooyinka siyaasadeed ee daba dheeraaday ee mustaqbalka.

Waxaa kaloo ay Golaha ammaanka ay taageero u muujiyeen Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Ergeyga gaarka ah ee Gudoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr Maman Sidikou, sidii ay u sii wadi lahaayeen waajibaadkooda.

Ugu dambeyn Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay inay taageero u hayaan geedi socodka nabadda iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, isla markaana shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka ay u hayaan taageero muhiim ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada