Faah Faahin:- laga Bixiyay Xarigii Agaasimihii Wasaaraddaas Haweenka iyo Xuquuqul

Faah Faahin:- laga Bixiyay Xarigii Agaasimihii Wasaaraddaas Haweenka iyo Xuquuqul

daajis.com:-   Sii hayaha xilka Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay xarigii Ciidamada Nabadsugida kula kaceen Agaasimihii Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Maxamed Cumar, kaasoo xalay gurigiisa lagala baxay xilli saq dhexe ah.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sharci daro ku tilmaamtay in Mas’uul dowladeed si sharci daro ah gurigiisa looga wado, iyadoo aan fasax maxkamadeed laga wadan, waxaana ay tilmaamtay in markii la xiriirtay Nabadsugida loo sheegay inuu ku eedeysan yahay ku takri fal awoodeed.

“Waxaa la xiriiray taliye kuxigeenka Nabadsugida wuxuu ii sheegay inay u xireen dacwad ka soo gaartay Xeer ilaaliyaha iyo Hanti dhowrka, markaa sii weydiiyay waxyaabaha lagu soo eedeeyay qodobka loo adeegsaday xiritaankiisa, sida uu ii sheegay taliye kuxigeenka nabad sugida waa 250aad oo sheegaya xeerka ciqaabta ee ku takri fal awood xafiiseed, qodobka loo maray waa qodobka 56aad oo ah qaabka loo maraya in gurigiisa la geli karin, iyadoo aan fasax maxkamad laga wadin”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Sii hayaha xilka Wasiirka Haweenka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay in cid walba awooda ay heysato sida ay doonta ugu takri faleyso, iyadoo dadka Soomaaliyeed iyo caalamka ay fiirinayaan.

“In nidaamka dowliga maanta cid walba awooda ay heysata ay sidee doonto ugu takri faleyso, iyadoo indhaha dadka soomaaliyeed guud ahaan iyo caalamka ay fiirinayaan, xafiis walba sida la doono awoodiisa lagu takri falo in cida ku eedeyneyso ku takri fal awood ay iyaga laftirkood sameynayaan ku takri fal awood, Maxamed cumar wax kale kuma dhicinee miska la fuulo asiga yeeshay”ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxaa ay sheegtay in iyada ay aheyd in la eedeeyo marka hore, maadaama ay heyso Mas’uuliyada Wasaarada, isla markaana waajibka wasaarada uu saaran yahay sida ay hadalka u dhigtay.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka Guud ayaa dhowaan soo saaray warqad amreysa in Wasiirada aanay dalka ka bixi karin, iyagoo aan xilka wareejin, sidoo kale waxaa ay ku eedeeyeen Wasiiro hore inay heystaan hantida dowladda, oo ay ka mid yihiin baabuurta aan xabadaha karin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada