Daawo Sawirada:- Dagaal adag oo ka dhacay Taleex oo gaaray heer wadooyinka aan lamarin iyo Xal laga gaaray

Daawo Sawirada:- Dagaal adag oo ka dhacay Taleex oo gaaray heer wadooyinka aan lamarin iyo Xal laga gaaray

daajis.com:- Warka ka imaanayo degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa sheegaya in Waxgaradka deegaankaasi ay maanta soo afjareen Dagaal iyo colaado mudo Laba maalin u dhexeeyay Laba beel oo halkaasi wada dega.

Dagaalka labadaasi beelod u dhexeeyay ayaa waxa uu maalmahaani ahaa mid iska soo dabalaabanaayay waxaana maanta lagu guuleystay xalinta dagaalka labadaasi beel u dhexeeyay.

Odayaasha, Waxgarad iyo aqoonyahaanada kasoo jeedo deegaanka Taleex, ayaa waxa ay maalmahaani dadaal weyn ugu jiray sidii ay u soo afjari lahaayeen colaadda labadan beelood dhextaalla oo marar badan soo laalaabtay waxa ayna ugu dambeyntii xal ka gaaren Dagaalka joojintiisa.

Amarrada ay Odayaasha soo saareen ayaa waxaa ka mid ahaa inaan la arki karin wax ciidan ah oo magaalada hub ku dhexwata, iyagoo ku guuleystay inay ciidamadii geeyaan meel magaalada ka baxsan.

Dagaalkan ayaa dad badani cabsi ka qabeen inuu dhaliyo barakac baahsan, balse xaaladda magaalada Taleex ayaa kusoo laabatay gelinkii danbe ee maanta sideedii hore, iyadoo dib loo furay goobaha ganacsiga iyo is-gaadhsiinta.

Si kastaba ha ahaatee, Odayaasha ayaa waxa ay rajo ka muujiyeen inuusan dib usoo laaban dagaalka labadaasi beel u dhexeeyo.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada