Daawo Sawirada:- Kismaayo oo Agab kaluumeysi lagu gaduunsiiyay dad ka soo laabtay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

Daawo Sawirada:- Kismaayo oo Agab kaluumeysi lagu gaduunsiiyay dad ka soo laabtay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab

daajis.com:- Munaasabadan oo ay ka soo qeybgaleen madax ka tirsan maamulka Jubaland ee ka arimiya magaalada Kismayo,wakiilo ka socda Hey’adda ARC international ee mashruuca fulineysa, dadka ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee mashruuca loogu tala galay ayaa ka dhacday xarunta maamulka jubbaland ee Kismayo.

Ugu horeyn waxaa munaasbada hadal kooban ka jeediyay madaxa mashruuca nolal u abuurida qaxootiga iyo dadka gudaha ku barakacay ee ARC international C.fitaax Cismaan Cali, waxa uuna sharaxaad kooban ka bixiyay himilada mashruuca iyo marxaladihii la soo maray.

“ Waxaan ugu talagalnay mashruucan 104 qof oo ka wakiil ah 104 qoys oo Soomaaliyeed kana soo laabtay qaxootiga qaarkoodna ay yihiin dadkii gudaha ku barakacay in ay ka faa’ideestaan, waxa aan gudoonsiin doonaa dadka 13 doomo oo nuuca kalumeysiga ah iyo agab kaluumeysi oo dhameestiran” sidaas waxaa yiri C/fitaax Cismaan oo ka hadlayay munaasbada furitaankeeda, sidoo kale waxa uu u mahad celiyay maamulka Jubbaland gaar ahaan wasaaradda kaluumeysiga oo kaalin mug leh ka qaadatay taabagalinta mashruucan.Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa C.fitaax waxa uu sheegay in mashruuca ay maalgalisay hey’adda qaxootiga u qaabilsan QM ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda kaluumeysiga maamulka jubbaland Cabdullahi Shiekh Shaafici oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mashruucan maal galintiisa ay ka timid UNHCR ay fulintiisa iska kaashadeen wasaarada kaluumeysiga maamulka jubbalanad iyo hey’adda ARC oo u xilsaarneed fulinta mashruucan, waxa uu ka amaanay hey’adda ARC wadashaqeynta wacan ee ay la leedahay maamulka.

Ugu danbeyntii waxaa munaasabada hadal ka jeediyay ku simaha madaxweynaha maamulka jubba ahana madaxweyne ku xigeenka maamulka C.qaadir Maxamed (Lugadheere) waxa uuna sheegay in ay tahay wax lagu farxo dhalinyarada baratay qaabka loo kaluumeesto isla markaasna maanta la gudoonsiiyay qalabkii ay ku kaluumeysan laheeyeen, madaxweynaha ayaa ka dalbaday hey’adaha iska kaashaday fulinta mashruucan in ay tirada dadka ka faa’ideysasnaya mashruuca ay kordhiyaan si hoos loogu dhigo heerka shaqa la’aanta ee ka jirta gobalka jubadda hoose iyo gobalada ku hareereysan ee maamulka jubalanad uu ka arimiyo.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada