DAAWO VIDEO:- Hubkii Ku Rarnaa Gaari Xamuul Ah Oo Ciidamada Nabadsiga ku Qabteen Suuqa Bakaaraha

DAAWO VIDEO:- Hubkii Ku Rarnaa Gaari Xamuul Ah Oo Ciidamada Nabadsiga ku Qabteen Suuqa Bakaaraha

daajis.com:- Waxaa Suuqa weyn ee Bakaaraha lagu soo bandhigay gaari nooca xamuulka ah, oo lagu raray hub loo waday sida la sheegay Ururka Al Shabaab, ee ka dagaalama Gobolada Koonfureed ee Somaliya.

Gaarigaan waxaa hubka looga raray Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, waxaana la qabtay xilli uu u diyaar garoobay in uu u amba baxo Goboladii uu ku sii jeeday, markii Nabad Suggida ay heshay macluumaadka la xiriira, in hub lagu daabulay.

Gaarigaan, ayaa hubka saarnaa waxa uu isugu jiray noocyadiisa kala gedisan, waxaana la soo qabtay oo la soo xiray milkiilihii gaariga iyo rag kale oo lala xiriirinaayo inay fududeeyeen. Waxaa xusid mudan in uu baxsaday darawalkii gaariga.


Xoogaga Nabad Suggida ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay ku daba jooggaan wadihii gaarigaasi, oo la aaminsan yahay in uu ku dhex dhuumaaleysanaayo Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Nabad Suggida, ayaa waxay si buuxdo ula wareegtay gaariga iyo hubkii saarnaa, iyadoo ay ku xoojineyso awaamiirtii ay horey kaga soo saartay goob kastaa oo hub ka dhan ah xasiloonida laga helaa, ay la wareegi doonto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada