Col. Yaasiin Raadeer oo maanta lagu weeraray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda hoose

Col. Yaasiin Raadeer oo maanta lagu weeraray magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda hoose

daajis.com:- Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda hoose ayya shhegaya in kooxo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Hoteel uu ku sugnaa Col. Yaasiin Raadeer oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolkaasi.


Weerarkaan ayaa wuxuu ka dhacay Hoteel lagu magacaabo Tawakal oo ku yaalo Xaafada Iskufilan ee Magaalada Kismaayo, waxaana wararka ay sheegayaan rag hubaysan oo gaari Kaarib ah watay inay gudaha u galen Hoteelka.


Kooxaha hubaysan ayaa markii ay gudaha u galeen Hoteelka waxa ay gudaha Hoteelka ku bartilmaameedsadeen Col.Yaasiin Raadeer oo rasaas badan ay la dhaceen, xilli Col. Yaasiin ay wada fadhiyeen Sarkaal Niiniile lagu magacaabo oo wax rasaas ah aysan ku dhicin isaga.


Intaasi kadib ayaa israsaaseen dhexmartay ilaalada Col.Yaasiin Raadeer iyo ragii hubeysnaa waxaa ay sababtay dhaawaca labo ruux oo shacab ah oo maraayay Hoteelka hortiisa.

Col.Yaasiin Raadeer ayaa lasoo shegayaa in dhaawaciisa uu yahay mid halis ah oo ay suuragal tahay in galabta loo qaado Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Kooxaha falkan geystay oo aan la ogeyn ilaa hada waxa ay yihiin ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meesha soo gaaray ciidamada maamulka Jubba oo ku sugan Hoteelka falka uu ka dhacay.

Col.Yaasiin Raader ayaa kamid ahaan jiray Maamulka KMG ee Jubba ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Kismaayo, balse muddooyinkaan dambe waxaa la sheegay inuusan haynin wax xil ah.

Saraakiisha Maamulka Jubba weli kama aysan hadlin dhacdadaan goordhaweyd lagu dhaawacay Col.Yaasiin Raadeer oo saraakiisha ciidanka Jubba kamdi ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada