Baarlamaanka Soomaaliya oo maalinta berri la hor-geynayo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban

Baarlamaanka Soomaaliya oo maalinta berri la hor-geynayo Ra’iisul Wasaaraha magacaaban

daajis.com:- Kulan maanta ay ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa Gudoonka Baarlamaanka iyo Gudiyada joogtada ayaa lagu go’aamiyay in maalinta berri oo Arbaco ah uu hor imaanayo Baarlamaanka Ra’iisul Wasaaraha cusub Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo 17-kii bishan uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulankan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaahir) ayaa ujeedkiisa ahaa sidii loo mudeyn lahaa waqtiga la hor-keenayo, iyagoo isku waafaqay in maalinta berri taariikhduna ku beegan tahay 24-December uu hor imaanayo Ra’iisul Wasaaraha.

Xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya C/kariim Xaaji Cabdi (Buux) oo saxaafada la hadlay markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu maalinta berri baarlamaanka soo weydiisanayo codka kalsoonida, si uu ansax u noqdo.

“Waxaa maalinta berri baarlamaanka la hor geynayaa Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid, si xubnaha baarlamaanka ay codka kalsoonida ugu qaadaan”ayuu yiri Xoghayaha Baarlamaanka.


Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa maalmihii u dambeeyay kulamo gaar gaar ah la qaadanayay Xildhibaanada, si codka kalsoonida uu u helo, waxaana hadii codka kalsoonida la siiyo la filayaa inuu soo dhiso Xukuumad cusub.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in maalinta berri khudbad uu ku codsanayo in la siiyo codka kalsoonida uu u jeediyo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkii la soo dhaafay magacaabay Cumar Cabdirashiid oo markii labaad muddo shan sano gudahood noqday Ra’iisul Wasaare, waana ninka kaliya ee mar kale xilkan loo magacaabo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada