Daawo Sawirada:- Dhibaatada qabsatay Qoys diiday inay iibiyaan Guri ay lahaayeen

Daawo Sawirada:- Dhibaatada qabsatay Qoys diiday inay iibiyaan Guri ay lahaayeen

daajis.com:- Xaafad lagu magacaabo Fakurtiba oo ka tirsan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa shirkad maalgashi oo xagga dhismaha ah waxey la heshiisay inta badan dadkii deganaa, iyadoo dooneysay iney qeyb ka mid ah xaafadaas iibsato.

Dadkii lahaa guryaha xaafadda ayaa aqbalay dalabka shirkadda, waxaase diiday hal qoys oo kaliya, markaas maxaa dhacay?.

Sida uu qabo qaanuunka dalka Turkiga, shirkadaha Maalgashiga ayaa guda geli kara duminta xaafadaha haddii saddex ka meel hal meel ogolaato in dhulkaas la iibiyo, sida uu qoray bogga CNN.

Shirkad lagu magacaabo Vivkurtiba oo mashruucaan wadda ayaa bilowday duminta guryaha ku hareereysan gurigaas, waxeyna hoos u qodday dhulka, taasoo halka guri ee heshiiska diiday ka dhigtay buur dheer oo sidii Jaziirad ah, islarkaana aan la geli karin lagana soo bixin karin.

Milkiilaha gurigan ayaa sheegay inuusan u diidin heshiiska shirkadda si uu u helo magdhow lacageed oo xoog leh, hase ahaatee uu doonayo in heshiisku ahaado mid aad u cad sida uu yiri.

Sida ka muuqata sawirrada gurigan, suurgal maaha in dad deganaadaan maadaama kaligiis oo buur saaran lasoo reebay, hareerihiisa oo dhanna la qoday.

Shirkadda Vivkurtiba ayaa mashaariic dhisme oo casriyeyn ah ka wadda magaalada Istanbul, taasoo lagu badelayo ilaa 50 kun oo guri.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada