DEG DEG: Kooxo hubeysan oo dil ka Geystay Muqdisho

DEG DEG: Kooxo hubeysan oo dil ka Geystay Muqdisho

daajis.com:- Wararka naga soo gaaraya suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee Suuq Bacaad ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goordhow dil ka geysteen Suuqaasi.

Dilka ayaa ka dhacay suuqa qandalaha ee ku dhexyaala Suuq Bacaad, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah oo ku sugan goobta falka dilka uu ka dhacay.

Kooxaha hubeysan ayaa dilay wiil dhalinyaro ah oo dukaan ku lahaa suuq Bacaad, wuxuuna dhigan jiray mid kamid ah jaamacadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Aweys Axmed Jiisow ayaa da’diisa lagu qiyaasay 25-26 sano jir, wuxuuna ahaa ruux ku ganacsan jiray goobta, sida dad eheladiisa ah ay inoo sheegeen.

Dadka dilka u geystay Aweys ayaa gaari ku hor jaray goobtiisa ganacsiga kadiba waxaa la sheegay inay rasaas ku fureen isagoo dukaanka ku dhex jira kadibna uu isla dukaanka ku dhex dhintay.

Maamulka Degmada Yaaqshiid ayaanan wali ka hadlin falka ka dhacay Suuq bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada