Dhageyso:-Qeybdiid "Gaas iyo Puntland wanaag aysan nooga baahneyn ugama baahni”

Dhageyso:-Qeybdiid "Gaas iyo Puntland wanaag aysan nooga baahneyn ugama baahni”

daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kulamo gaar gaar ah la qaatay Odayaasha, Waxgaradka, Aqoonyahaanada iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ku dhaqan Galmudug, ayaa waxa uu sheegay in looga baahan yahay inay tixgaliyaan Jiritaanka Maamulka, waxa uuna goobta ka sheegay in Maamulka Puntland ay wado daandaansi.

Waxa uu sheegay in ka Maamul ahaan aysan diyaar u aheyn Nabad aan Puntland Rabin, iyaguna aysan kuleyl ku heyn, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Qeybdiid ayaa waxa uu hadalkaani sheegay xili uu la kulmaayay Bulshada reer Galmudug, waxa uuna Tilmaamay inay Jawaab ka bixin doonaan faragalinta Maamulka Puntland uu ku haayo Bulshada reer Galmudug waxa uuna Carabka ku dhuftay inaysan u Dulqaadan doonin, Dhibaatada ay ku hayaan Bulshada.


Madaxweyne Cabdiqeybdiid oo arrintaasi si kulul uga hadlay ayaa waxa uu yiri “ C/weli Gaas iyo Kooxdiisu waxaa ay Billaabeen in ay isku Dayaan in ay Cuna Qabateeyaan Danta iyo Garoonka Diyaaradaha ee Bulshada Galmudug ay Sameysteen, waxaan u Sheegayaa Haddii aysan Rabin aan Nabad ku wada Joogno kaligeen Nabad Gaar ah Kama Rabno Dhankooda”

Dhanka kale, Qeybdiid waxa uu ku nuux-nuuxsaday inay mudan tahay in lagu wadanoolaado wanaag haddii aysan Puntland diyaar u aheyn ay dhankooduna diyaar u ahaan doonin.

Halkan ka dhageyso Qeybdiid

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada