Raggii fuliyay dilkii Mas’uul ka tirsanaa SIMAD oo la qabtay

Raggii fuliyay dilkii Mas’uul ka tirsanaa SIMAD oo la qabtay

daajis.com:- Afhayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii ka dambeeyay dilkii maalin ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay Mas’uul ka tirsanaa Jaamacada SIMAD.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in gaariga lagu dilay Mas’uulkaas uu ahaa mid laga soo kireystay shirkadaha Baabuurta kireeya, isagoo ka digay in shirkadaha iyo milkiilayaasha in gaadiid ka kireeyaan dadka falalka amni daro ku lug leh.

“Kuwii ka dambeeyay oo dilay mas’uul ka tirsanaa Jaamacada SIMAD qaarkood ayaa la qabtay waxaa noo xaqiiqowday baabuurta ay wax ku dileen inay ka soo kireysteen meelaha baabuurta lagu kireeyo, waxaa rabnaa inaan u sheegno shirkadaha baabuurta kireeya in ay iska ilaaliyaan oo aanay ka kireyn dadkan oo kale”ayuu yiri Maxamed Yuusuf.


Waxaa uu sheegay in gaarigaas ay gacanta ku hayaan, isla markaana ay soconayaan howl galo lagu sugayo ammaanka magaalada, isagoo tilmaamay inay ku raad-joogaan kooxaha ku fila dilalka gaadiidka.

Hey’addaha Ammaanka ayaa dhowaan sheegay inay bur buriyeen shabakado isku xirnaa oo gaadiidka ku fulin jiray dilalka, iyadoo la soo bandhigay Sarkaal la sheegay inuu ahaa ninkii u qaabilsanaa Al-Shabaab howl galada gaadiidka lagu fuliyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada