Dhalinyarada Muqdisho iyo qurba joogta oo isku dhiban!

Dhalinyarada Muqdisho iyo qurba joogta oo isku dhiban!

daajis.com:- Nolosha magaalada Muqdisho oo sanadihii u danbeeyay isbadal dhinac walba leh laga dareemay ayaa sababtay in qurba joogta ay dib ugu laabtaan Muqdisho, waxayna kusoo kordhiyeen faa´iidooyin oo horumarka dalka u horseedaya, waxaase barbar socda cabashooyin fara badan oo laga tirsanayo ragga qurba joogta, gaar ahaan Odayaasha madaxa xiiran.

Dhalinyarada Muqdisho ayaa marka aad la sheekeysato waxay kuu sheegayaan inay qaati ka taagan yihiin qurba joogta oo nolosha iyo dhinaca guurka ku qaaliyay, isla markaana suuqa ka saaray dhalinyarada Muqdisho ee meelna ugu bixin dalka.

Waxay kaloo kuu sheegayaan dhalinyarada Muqdisho in Odayaasha iyo dhalinyarada kale ee ka yimaada qurbaha, gaar ahaan dalalka Yurub iyo Ameerika in ay tartan xooggan oo xaga gabdhaha ah kula jiraan, iyagoo gabdhaha da´da yar ay ku shukaansanayaan in qurbaha uu ka yimid, haystana dhalashada dalka uu ka yimid, isla markaana shaqeysto, waxaase laga yaabaa in uu ceyr qaato.

lamaane-xeebta-liidoDhalinyarada gabdhaha ee Muqdisho ayaa iyagana ah kuwo aad u daneeya qurba joogta, iyagoo ku hami weyn ama jecel in ay mar uun Yurub ama Ameerika ku noolaadaan, taasoo keentay in ay muhiimada siiyaan dhalinyarada iyo odayaasha qurbaha ka tegay.


`Waxaa jahawareer naga haystaa ragga ka yimaada qurbaha, waxayna dhalinyarada iyo odayaasha madaxa xiiran ay soo jiidasho u sameeyaan gabdhaha, suuqana laga saaro dhalinyaradii wadanka ku sugneyd` ayuu yiri Saalim Axmed Cabdi oo u waramay Warfaafiye.com.

Wuxuu sheegay wiilkaan dhalinyarada ah in dhalinyarada qurbaha ka yimid in ay la yimaadeen dhaqano aysan dhalinta Muqdisho ku cusub oo haweenka ay jaceyl ugu abuurayaan, iyagoo u muujinaayo romatic sida in bulshada dhexdooda uu ku muujiyo jaceylkiisa iyo in uu u kaxeeyo goobaha damaashaadka, balse dhalinyarada Muqdisho aysan sameyn karin dhaqamada ay ku dhaqmayaan qurba joogta qaarkood.

Eedeynta dhalinyarada Muqdisho marka laga soo tago, qurba joogta waxay dalka kusoo kordhiyeen horumar ballaaran oo dib u dhiska dalka iyo abuurista ganacsiyo kala duwan oo horay dalka looga aqoon, waxayna qeyb ka yihiin horumarka uu dalka ku socdo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada