Jahaadistihii guursaday mid ka mid gabdhihii Soomaalida oo la dilay

Jahaadistihii guursaday mid ka mid gabdhihii Soomaalida oo la dilay

daajis.com:- Jihaadistihii u dhashay British ee guursaday mid ka mid ah mataanihii ka tegay Machester ayaa lagu dilay dagaalada ka socda dalka Iraaq, xili uu dagaal ku jiray.

Wiilkaani oo 19 sano jir ah ayaa lagu magacaabaa Ali Kalantar, wuxuu guursaday Mataanihii Soomaaliyeed mid ka mid ah oo lagu magacaabo Zahra Xalane, oo iyada iyo wlaasheed ay ka tageen bishii June xaafada Chorlton ee Manchester, haddana la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin Syria.

Gabdhahan oo waalidkood ay isku dayeen in ay dib ugu soo celiyaan Manchester ayaa ka dhega adeegay, iyadoo weliba ay waalidkood halis u geliyeen naftooda oo ay maalmo ka baadi goobayeen Syria si ay indhaha u saaraan labadooda gabdhood, balse waxay ku wargeliyeen in naftooda u doorteen ay tahay mid ay alle ugu dhowaanayaan wax ay ku sheegeen jihaadka ka socda Shaam iyo Iraq.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada