Dowladda Jabuuti oo Sheegtay In Ciidamadeda Aysan Ka Bixin Doonin Dalka Soomaaliya

Dowladda Jabuuti oo Sheegtay In Ciidamadeda Aysan Ka Bixin Doonin Dalka Soomaaliya

daajis.com:- Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti Maxamed Ali Yuusuf,oo wareysi siinayay wakaalada wararka Dalka Turkiga ee Anadolu Agencey, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowlada wadanka Jabuuti ka jooga dalka somaliya aysan kala bixi doonin ilaa ay soomaliya ay noqoto dalka isku filan.

Wasiirka ayaa yiri ‘' waxaan ubaahanahay nabadada dalka somaliya, maxaa yeelay Jabutii ma noqon doonto nabad ilaa somaliya ay nabad ka noqoto,ciidamadeenana kama bixi doonaan dalka somaliya ilaa maamulka dalka somaliya uu keligiisa ka istaago'‘.


Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Dalka Jabuuti Maxamed Ali Yuusuf, ayaa sheegay in xiisadihii ka curtay dalka koonfurta Sudan hal Sano ka hor ay hogaamiyaasha IGAD ay ka xal ka gaareen, haddan ay rajeynayaa in xal kama danbeysa ah laga gaari doono dhibaatada dalka Soomaaliya.


Dowladda jabuuti ayaa waxaa ciidamadeeda ay kamid yihiin kuwa Nabad illaalineed ee ku sugan dalka soomaaliya,kuwaas oo taageera dowladda soomaaliya

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada