Cumar C/rashiid oo R/Wasaaraha dalka Somalia noqonaya

Cumar C/rashiid oo R/Wasaaraha dalka Somalia noqonaya

daajis.com:- Sida ay heshay Warfaafiye.com xog ku saabsan magacaabista Ra´iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegeysa in Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo hada ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, in la magacaabi doona 24 saac ee soo socda.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ogolaaday soo jeedinta tallooyin ku saabsan in Cumar C/rashiid uu u magacaabo Ra´iisul Wasaaraha dalka,oo horay xilkan ugu soo qabtay Dowladdii Sheekh Shariif.

Tallooyinkan oo ka yimid beesha caalamka iyo xubno ku dhow Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu danbeyntii la sheegay inuu aqbalay magacaabista Cumar C/rashiid.

Maxay ka dhiggan tahay magacaabista Cumar Cabdirashiid?

Haddii si rasmi ah loogu dhowaaqo, magacaabista Cumar Cabdirashiid waxa ay ka dhigan tahay afduub lagu sameeyey mustaqbalka Soomaaliya iyada oo laga hormarinayo danta koox gaar ah.

Cumar Cabdirashiid, waxa uu baal mugdi ah ka galay taariikhda Soomaaliya kadib markii uu qeyb ka mid ah badda Soomaaliya u saxiixay Kenya, xiligii uu ahaa Ra´iisul Wasaarihii Dowladdii KMG, isaga oo dhaafsanaya dhowr milyan oo dollar.

Saxiixii Cumar waxa uu maanta gaaray heer badda Somalia ay taal maxkamad caalami ah, ayna ku jirto marxalad 50-50 ah, taa oo macnaheedu yahay in go’aanka maxkamadda uu ka dhignaan karo in Somalia baddeeda ay qeyb ka mid ah qaadato Kenya, ama ay dib u hesho.

Intii uu Cumar Cabdirashiid xilka Ra’iisul wasaaraha dowladdii Sheekh Shariif hayey, waxa uu maamulka Puntland ee uu kasoo jeedo u saxiixay inay 30% lee yihiin dhammaan deeqaha soo gala dowladda Soomaaliya, inkasta oo xaqiiqdu ay tahay in Puntland aysan xittaa 10% ka dhammeyn Soomaalida.

Waxa uu Cumar Cabdirashiid sidaas u sameeyey qabyaalad, caddaalad darro iyo ku takrifal xilkii ay umadda Soomaaliya u dhiibatay.

Ka hor inta uusan Sharma’arke xilka Ra’iisul wasaaraha iska casilin, waxaa baarlamanka ka yaallay mooshin ay saxiixeen tiradii ugu badneyd abid ee xildhibaano ah, ayada oo wax lagu heystay ay ahayd wax qabad la’aan iyo inuu iibsaday badda Somalia. Waxaa sidoo kale xusid mudan in madaxweyne Sheekh Shariif uusan wax lug ah ku lahayn mooshinkaas, taasi oo ku tuseysa sida xildhibaanadu uga soo hrojeedeen Sharma’arke.

Markii uu xilka ka dagayey waxa uu dalbaday lacag, waxaana la siiyey afar boqol oo kun dollar, sidaas ayuuna ku baxay.

Labadii sano ee Xasan Sheekh uu Madaxweynaha dalka ahaa, waxa uu Sharma’arke fadhiyey Nairobi, isaga oo geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii dowladda hadda jirta loo bur burin lahaa. Waxa uu ku hadlayey magac qabiil, isaga oo dowladda kula dagaashanaa siyaasadeeda gobollada Jubbooyinka.

Cumar Cabdirashiid waxa kale oo uu si cad u taageersan yahay duulaanka iyo xasuuqa ay Kenya ka geysaneyso Jubbooyinka. Waxa uuna markii dambe kaabe u ahaa kooxdii qas-wadayaasha ee Nairobi u fariistay burburinta dowladda federaalka ah.

Haddii shaqsi ceynkaas ah maanta lagu abaal-marinayo Ra’iisul Wasaare, Maxaa rajo ah oo ay Soomaaliya leedahay? jawaabta adiga is weydii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada