Gabdho Soomaaliyeed oo lagu hor kufsaday Aabahood gudaha Kenya

Gabdho Soomaaliyeed oo lagu hor kufsaday Aabahood gudaha Kenya

daajis.com:-Dhacdo xanuun badan ayaa ka dhacday deegaan lagu magacaabo Bura oo ka tirsan degmada Tana River oo u dhow gobolka ay Soomaalida degto ee Waqooyi Bari Kenya, kadib markii Shan iyo Toban nin Kenyaati ah ay Labo gabdhood oo Soomaali ah ku hor kufsadeen Aabahood oo arkaya, balse aan awoodin inuu ka celiyo.


Labada Gabdhood ee dhacdadan foosha xun lagula kacay oo magacyadooda habooneyn inaan soo gudbino ayaa waxay da'ahaan kala jiraan 16 sano jir iyo 23 jir, waxayna ahaayeen reer Miyi, waxayna raadinayeen xiligii la kufsanayay Geel ka lumay.

Gabdhan oo hadda lagu daweynayo isbitaal ku yaal magaalada Gaarisa ayaa mid ka mid ah gabdhahan oo la hadleysay Warbaahinta waxay sheegtay in 15 nin oo ku hubeysnaa Baangado ay xoog ku kufsadeen.

Aabihii dhalay Gabadhahaas oo ku sugnaa goobta, ayaa sidoo kale kooxdii falka Kufsiga ah geeystay ay ku xireen Geed, iyagoona ku qasbay inuu daawado sida ay u fara xumeynayeen gabdhihiisa.


“Aabahey marka hore wuxuu damcay inuu naga celiyo kooxda na fara xumeeyay, laakin waxey ku xireen geed, isagoo ku qeylinayay in marka hore ay isaga dilaan, laakiin waxay ku qasbeen inuu fiirsado sida ay noo galeen, ayagoona jir dilay” ayey tiri mid kamid ah gabdhahaas.


Siyaasiyiinta, culumada iyo ururada xuquuqda aadanaha u dooda ayaa falkan foosha xun si kulul ugu hadlay, iyagoo dowladda Kenya ugu baaqay in ay sharciga hor keenaan raggii fuliyay falkan waxashnimada leh.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada