Hurmarinta Turkiga ee Soomaaliya uu ka wado

Hurmarinta Turkiga ee Soomaaliya uu ka wado

daajis.com:-  Qalalaasaha iyo dagaalka mar wada baabi’iyay magaalada xeebta ku taalla ee Muqdisho hadda way dhamaadeen.

Halkaasi, mar waxaa kuwada dagaallamay malleeshiyaad isku haystay maamulka xeebaha iyo dekedda.

Haddase, maraakiib waaweyn oo sida konteenaro ayaa leen ugu jira sidii ay u dejin lahaayeen rarka ay sidaan oo ah Shamiinto, gawaari, baasto, iyo bariis.
Wiishash waaweyn ayaa kor iyo hoos u socda. Qaar ka mid ah waxaa ka shaqeynayan dad Turki ah, kuwa kalana Soomaali.

Mary Harper oo ah tafatiraha wararka Afrika ee BBC, ayaa si joogto ah u booqata Muqdisho waxayna ka sheekeysay waxa ay ku soo aragtay Xamar.

Maamulaha Turkiga ee dekadda, ayaa u sheegay, tani iyo markii ay dekedda la wareegeen bishii September ee sanadkan, in bilkastaa laga helo dhaqaale gaaraya Afar milyan oo dollar. Boqolkiiba 55 lacagtaasi waxay toos u aadaa dowladda Soomaaliya.

Ma uusan ii oglaan inaan sawir ka qaado. Waxa uuna igu yiri “aad ban u foolxumamahay”.

Maahan oo keli ah dekedda. Turkiyiinta waxay joogaan meelkastoo Muqdisho ka mid ah. Calankoodana wuu ka taagan yahay.

Calamada Turkiga ee Muqdisho ka taagan waxay ka badan yihiin calanka Soomaaliya ee caasimadda lagu arko.

Axmed Xaji Xasan ayaa warbixinta Mary Harper soo jeedinaya

xigasho:-BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada