Dowladda Maraykanka oo Dalka Ciraaq ku dishay 3 Hogaamiye Sare Sare

Dowladda Maraykanka oo Dalka Ciraaq ku dishay 3 Hogaamiye Sare Sare

daajis.com:- War Saxaafadeed ay soo saartay Dowlada Maraykanka ayaa lagu sheegtay inay duqeymo ay ka fuliyeen dalka Ciraaq ay ku dileen sadex hogaamiye sare oo ka tirsanaa kooxda ISIS/ISIL. 


Ragga la dilay ayaa la sheegay inay isugu jireen hogaanka sare ee maamulka iyo abaabulka ciidamada ISIS, waxaana kamid ahaa ragaa magacyadooda la shaaciyey;

  • Haji Muntaas, kuxigeenka hogaamiyaha ISIS ee Al Baqdaadi
  • Abd al Basit, abaanduulaha ciidamada ISIS ee waqooyiga Ciraaq
  • Radwin Talib, Hogaanka iyo guddoomiyaha ISIS ee magaalada Mosul



Maraykanka ayaan faah faahin ka bixin xiliyada ay dhaceen duqeymahan lagu dilay hogaamiyayaashan muhiimka ah, balse duqeynta Maraykanka ka wado Ciraaq ayaa sare loo sii qaaday, iyadoo todobaadkii tagay oo kaliya 61 goor ay diyaaradaha xulafada Maraykanka duqeeyeen saldhigyada Uruka ISIS ay ku leeyihiin Bariga dhexe.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada