Holland:- Kulan looga hadlay Dagaalka gobolka Galgaduud oo ka dhacay Amsterdam

Holland:- Kulan looga hadlay Dagaalka gobolka Galgaduud oo ka dhacay Amsterdam

daajis.com:-Kulan deg deg ah oo ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Gobollada Dhexe ee ku dhaqan Holland ayaa lagu qabtay magaalada Amsterdam ee waddanka Holland, waxaana kulankankan uu daba joogay kulamo sannadihii ugu dambeeyey ay wadeen Jaaliyadda Gobolka Galguduud oo wax loogu qabanayo bulshada ku dhaqan gobolkaasi.

Kulankan ka dhacay magaalada Amsterdam oo ay hay’adda HIMILO ka warbixineysay waxqabadkeeda dalka Soomaaliya gaar ahaan Gobollada Dhexe ayaa aqoonyahannada iyo waxgaradka isugu yimid waxay si wadajir ah ugu baaqeen dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galguduud inay joojiyaan xiisadda colaadeed, islamarkaana wax kasta ku xalliyaan wadahadal iyo dib-u-heshiisiin.


Qaar kamid ah aqoonyahannada iyo waxgaradka goobtaasi ka hadlay oo ka soo jeeda gobolka Galgaduud ayaa ku tilmaamay nasiib darro in laga soo sheego xiisad dagaal, xilli bulshada Gobollada Dhexe ay go’aansadeen horumarinta deegaankooda, iyagoo ku baaqay in dhaqsi la joojiyo dhiigga daadanaya.

“Anigu waxaan leeyahay yeynaan dib ugu noqon rabsho iyo dhaqan umadaha horumaray waa hore ka tashadeen. Dadka deegaannadaasi deggan waa in la fahamsiiyaa, lana baraa inay aqbalaan kala duwanaanshiyaha fikirka, oo haddii la kala fikir duwan yahay ay waajib tahay in laga mideysnaado danta guud oo ah in la ilaaliyo nabadda, caruurta Gobolkaasi ku dhaqanna loo abuuro fursado waxbarasho” ayuu yiri C/nuur Cabdullaahi Ciidle.

Marwo Khadra Kaariye Kheyrre oo ku hadashay codka dumarka waxey iyana dhinaceeda ugu baaqday walaalaha diririya inay bulshada iyo naftooduba badbaadiyaan, iyadoo tilmaantay in bulshada ku dhaqan Gobolka aysan u baahneyn colaad & xasarad hor leh.

Nabaddoon Yaasiin Cabdi Faarax oo ka mid ah odayaasha caanka ah ee ka soo jeeda Gobollada Dhexe, ayaa isna ku boorriyey waxgaradka, nabaddoonnada & aqoonyahannada ku dhaqan Gobolka inay u midoobaan sidii loo joojin lahaa colaadda.

Axmed Guurre Dhiblaawe oo kamid ah aqoonyahannada da’da yar ee ka soo jeeda gobolka Galgaduud ayaa yiri “Nabadda gobolka ka jirta qola gooniya yaysan is lahaysiin, waxaa wada keensaday bulshada halkaasi daggan …Dhalinyarada waxbaratay waa inay aqoontooda bulshada ula laabtaan, sidaas ayuuna xalku ku imaan karaa”.

Ugu dambeyntii C/kariin Maxamuud Xoogsade oo kamid ah masuuliyiinta hay’adda HIMILO oo fadhigeedu yahay waddanka Holland, balse ka shaqeysa gobollo kala duwan oo kamid dalka Soomaaliya oo uu gobolka Galgaduud kamid yahay ayaa qiray inuu jiro horumar lagu faani karo oo laga gaaray in la helo bulsho Soomaaliyeed oo jecel dalkooda, islamarkaana ka geysta taageero iyo tabarrucaad wixii ay u awoodi karaan dalkooda iyo dadkoodaba.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada