AQriso: 8 wasiir oo Damu-Jadiid ay ka mamnuuceen golaha wasiirada Uu RW Cusub Soo Magacaabi Doona.

AQriso: 8 wasiir oo Damu-Jadiid ay ka mamnuuceen golaha wasiirada Uu RW Cusub Soo Magacaabi Doona.

daajis.com:-Kulan ka dhacay Villa Somalia oo u dhexeeyay xubnaha Damu-Jadiid, ayaa lagu jeex jeexay arrimo ay ka mid yihiin qaabka ay u ekaan doonaan golaha wasiirada cusub ee lasoo dhisayo.

Xubno kooxdan ka tirsan ayaa Caasimada Online u sheegay in inta uu kulanka socday ay Mas’uuliyiintaasi isla garteen in Xukuumada Cusub ay ka dhex muuqdaan Siyaasiyiin aan saameyn ballaaran ku dhex laheyn Siyaasadaha dalka.

Waxaa sidoo kale xubnaha Damu-Jadiid ay mamnuuceen in Xubnaha cusub ee la magacaabi doono ay dib ugu soo laaban 8 Wasiir oo ay u arkeen inay caqabad ku yihiin Siyaasada Dam-Jadiid, si aad ahna u taageersanaa ra’iisul wasaare Cabdi Weli.

Haddaba 8 Wasiir ee Damu-Jadiid ay mamnuuceen inay dib usoo laabtan ayaa waxaa kamid ah:-


1 – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga C/raxmaan Ducaale Beyle. Inkasta oo Beyle uu taageersanaa madaxweyne Xasan, haddana waxaa laga door-biday Fowsiya Yuusuf oo la filayo in lasoo celiyo.2 – Wasiirka warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.3 – Wasiirka amniga qaranka Khaliif Erag4 – Wasiirka gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.5 – Wasiirka haweenka iyo hormarinta xuquuqda aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye6 – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta Ridwaan Xersi Maxamed.7 – Wasiirka Isboortiga iyo dhalinyarada Khaalid Cumar Cali.8 – Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare Ducaale Aadan Maxamed.

Dam-jadiid ayaa Wasiiradaani ka mamnuucay inay kamid noqdaan Wasiirada Cusub iyo ku-xigeenadooda, waxa ayna u arkeen inay yihiin kuwii ka shaqeynaayay in Madaxweyne Xasan looga itaal-roonaado Mooshinka Khilaafka lagu xaliyay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada