Iiraan:- Oo Duqeysay Fariisamaha Kooxda Daacish Ee Beriga Ciraq

Iiraan:- Oo Duqeysay Fariisamaha Kooxda Daacish Ee Beriga Ciraq

daajis.com:-Waaxda difaaca ee Mareykanka ayaanan diidin wararka sheegaya in Iiraan ay weeraro cir ka ah ay ka fulisay bariga dalka Ciraaq, kuwaas oo ay ku bartilmaameedsatay dagaalyahaniinta Daacish.

Warbaahinta qaar ayaa weriyay in diyaaradaha dagaalka ee F4 ee Iiraan ay duqeeyeen goobo ay kooxda IS kaga sugnaayeen bariga dalka Ciraaq, gaar ahaan gobolka Diyaala,

Iyagoo xaqiijinaayay wararkan, afhayeen u hadlay Pentagon-ka oo lagu magacaabo, Rear Admiral John Kirby, waxa uu sheegay inuu arkay, aysanna jirin calaamad ama sabab lagu rumeysanayo inaysan waxba ka jirin.

Balse, waxa uu tilmaamay in Iiraan ay quseyso ka hadalka hogalkeeda militariga.

Mareykanka ayaa sii wado duqeymaha uu ku hayo goobaha ay Daacish kaga sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Admiral Kirby ayaa carabka ku adkeeyay, in Mareykanka uusan arrintan kala shaqeyneynin Iiraan, uusanna la shaqeyndoonin, waxa uuna qiray in hawada ciraaq ay dowladda Ciraaq maamusho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada