Video:- Haweeney shaqadeeda ku weysay eedeynta Gabdhaha Obama

Video:- Haweeney shaqadeeda ku weysay eedeynta Gabdhaha Obama

daajis.com:- Kaddib xaflad sannadeedka Maalinta Mahadnaqa, oo lagu qaybtay Aqalka Cad ee Maraykanka, laguna cafinaayay booloboolada Turkiga oo aqalka cad loo soo haddiyeey si aan loo qalin, ayna ka soo qaybgaleen qoyska 1aad ayaa Elizabeth Lauten oo ah agaasimaha warfaafinta ee Stephen Fincher oo ah wakiilka xisbiga jamhuuriga ee gobolka Tennessee, ayaa barteeda facebookga ku qortay dhaleecayn ay ku ceebaynayso gabdhaha Madaxwayne Barack Obama ee Sasha oo 13 jir ah iyo Amalia oo 16 jir ah oo xafladda ku yimid goonooyin gaagaaban. Waxayna qortay.

“Saasha iyo Maliada Qaaliga Ahow, Waxaan fahmaa in labadiinuba aad ku jirtaan da`da dhibka badan ee dhowr iyo toban jirka, illowse, waxaad qayb ka tihiin qoyska 1aad, isku daya inaad yara muujisaan heerkiina. Ugu yaraan, xushmeeya door aad ciyaaraysaan. Aabbahiin iyo hooyadiin ma xushmeeyaan jagooyinkooda in badan, ama ummadda arrintaa darteed”.



Sidaa darteed, waxaan qiyaasaa inaad yara ka gaabisiyeen inaad noqotaan kudayasho wacan. si kastaaba ha ahaatee, nafsaddiina dhaqaajiya, u isgaataga fursadda, iskana dhiga inaad aqalka cad joogtaan inuu qiimo idiin leeyahay. U labista sida aad xushmad mudan tihiin, maya sida idnkoo baar jooga. Ha soo jiidanina indha dadka xilliyada dhacdooyin fagaareedyada televisionnada ka baxaayo.

Kaddib markay canaan uga timid bulshada, Elizabeth Lauten waxay u galiintay reer Obama ayadoo tiri: Waxaan u xukumay 2 gabar oo da`yar si anigu weligay aan jeclaan lahaynin in la ii xukumo. Kaddib saacado aan ducaystay, lana hadlay waalidiintayda, dibna u akhriyay erayadayda waxaa ii caddaatay sida erayadayda wax u dhaawaceen. Fadlan, ogaada dareenka wax sheegayga meel kuma laha qalbigayga.

Waxaa intaa sii dheer, inaan jelaan lahaa inaan u galiimo (Apologize) dadkaan ku dhaawacay kuna ijaafeeyay erayadayda. Waxaan ballan qaadaa inaan wax ka barto, ku kobco waayo-aragnimadaan.OBAMA-CHILDRENS

Galiimidda kor ku xusan kuma filnaan inay damiso carada dadwaynaha, sidaa darteed, Elizabeth Lauten waa is casishay, waxayna sidaa ku waayday jagadeedii.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada