Daawo:- Isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 2015 oo la shaaciyay

Daawo:- Isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee 2015 oo la shaaciyay

daajis.com:- Isku aadka Koobka Qaramada Afrika ee sanadka soo socda 2015 ayaa caawa lagu sameeyay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea. Waxaa lasoo saaray isku aadka tartanka Koobka Qaramada Afrika oo 17-ka bisha Janaayo ka bilaaban doona dalka Equatorial Guinea.

Xaflada lagu shaacinayay isku aadka koobka Qaramada Africa ee 2015 oo lagu qabtay magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa waxaa isku soo aaday groupyada kooxo adag oo oo ka mid ah kuwa Africa ugu awooda badan.

Waxaa tartankan ka qeybeli doonin xulka Morocco oo mari gelin lahaa koobka, kadib markii uu iska diiday cabsi uu ka qabo cudurka Ebola oo dalalka Galbeedka uu ka jiro, taasoo keentay in liiska laga saaro. waxaa sidoo kale ka qeybgeli doonin Xulka Qaranka Nigeria oo heystay Koobkan, maadaama uu ku haray tartamada Is reeb reebka.

African-cup-Equatorial GuineaWaxaa koobkaan si geesinimo leh u aqbalay inuu marti gelin doono dalka Equatorial Guinea.

Xulalka ayaa sidaan isku arki doona.

Group A: Equatorial Guinea, Congo, Gabon, Burkina Faso 

Group B: Zambia, DR Congo, Cape Verde, Tunisia 

Group C: Ghana, Senegal, South Africa, Algeria 

Group D: Ivory Coast, Guinea, Cameroon, Mali

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada