XOg Cusub:- Cakaara Action Group oo hal milyan & 3 boqol kun dollar gaarsiiyey C/WELI

XOg Cusub:- Cakaara Action Group oo hal milyan & 3 boqol kun dollar gaarsiiyey C/WELI

daajis.com:-  Kooxda Cakaara Action Group oo ah koox beeleed loo aas aasay la dagaalanka siyaasadda beelaha Hawiye, ayaa lacag dhan hal milyan iyo saddex boqol oo kun oo dollar gaarsiisay magaalada Muqdisho.

Sida dad xog ogaal ah ay u sheegeen Caasimada Online, lacagtan ayaa waxaa loo gacan geliyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, si uu isaga difaaco mooshinka ka dhanka ah ee horyaalla baarlamanka.

Sida qorshuhu yahay, waxaa lacagtan loo qeybin doonaa ama lagu iibsan doonaan codadka xildhibaanada, si aysan u ridin xukuumadda.
Xildhibaan la hadlay Caasimada Online, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in la qabyaaladeeyo khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli Sheekh, oo ah mid siyaasad un ku dhisan.

“Xaqiiqda waxa ay tahay in bar ka mid ah xildhibaanada Hawiye ay raacsan yihiin Cabdi Weli, haddana in ku xumeyn beelaha Hawiye lacag loo keeno Muqdisho, waa ayaan darro” ayuu yiri xildhibaanka.

Kooxda Cakaaro Action Group, ayaa waxaa hoggaamiya Cabdullaahi Salaad Dude, waxaana ujeedka ay lacagtan u keeneen ay tahay ayaga oo u arka in ra’iisul wasaaraha ka shaqeynayo danaha beelaha Daarood.

Lacagtan ayaa sida la sheegay laga soo qaaday ganacsato, qurbo jog iyo siyaasiyiin magac leh, oo beelaha Daarood ku abtirsada.

xigasho:-caasimada

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada