Kenya oo Itoobiya ka codsatay sirta ay ugu hortagto Shabaab

Kenya oo Itoobiya ka codsatay sirta ay ugu hortagto Shabaab

daajis.com:-  Qalqal ku yimid xasiloonida dalka Kenya ayaa sababtay in ay u geeriyoodaan mudo todobaad ah 65 qof oo gobolka Waqooyi bari lagu laayay dadkaasi oo dhamaantood aheyn Islaam, waxaana weeraradaasi mas Ășuliyadooda sheegtay ururka mayalka adag ee Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Mandheere Ali Roba oo masiibadan ka dhacday ayaa sheegay in aan indhaha laga qabsan karin xasuuqa ay Al-Shabaab ka wato gudaha Kenya, isagoo sheegay in hay’addaha amniga Kenya ay sidii la rabay howshooda ugu soo bixin, loona baahan yahay in dalalka deriska sida Itoobiya in ay looga daydo tallaabooyinka ay kaga hortagto Al-Shabaab.ali-roba

“Waa inaan ka xishoon talooyin aan u raadsano Itoobiya, oo amaankeeda adkeysay, waa maxay waxay Itoobiya sameysay ee aan inaga sameyn, taasi waa inaan weydiisanaa” ayuu yiri Guddoomiyah degmada Mandheere Ali Roba.

Xuduudaha Kenya, Somalia iyo Itoobiya ayaa ah kuwo isa saaran, waxayna Dowladda Itoobiya ku guuleysatay in magaalooyinkooda ay ka badbaadaan weerarada Al-Shabaab, taasoo muujineysa in Itoobiya ay adkeysay sirdoonka iyo ciidamada kale ee suga amaanka


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada