Al-Shabaab oo sheegtay inay soo riday diyaarada Kismaayo kusoo..

Al-Shabaab oo sheegtay inay soo riday diyaarada Kismaayo kusoo..

daajis.com:- Mid ka mid ah diyaaraddaha dagaalka Kenya ayaa maanta kusoo dhacday duleedka magaalada Kismaayo, xili ay kasoo laabatay howlgal ay ka fulineysay agagaaraha Jamaame oo ka tirsan Jubada Hoose.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in ay gantaal la dhaceen diyaarad nooca qumaatiga u kaca, taasoo duqeyn ka geysatay deegaanka buulo gaduud oo ka tirsan isla gobolka Jubada Hoose.

“Innaga ayaa gantaal ku dhufannay diyaaradda, wayna burburtay, Waxay maanta duqeysay deegaanka Buulo-guduud,” ayuu yiri Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo u hadlay Al-shabaab, isagoo intaas raaciyay inay u isticmaaleen diyaaradda gantaallada gaadiidka cirka lagu soo rido.diyaarad-kenya-dhacday

Dhanka kale Afhayeenka milateriga Kenya Col. David Obonyo ayaa sheegay in diyaaraddu ay cilad dhinaca farsamada ah u dhacday, kaddib markii ay kasoo laabatay sida uu sheegay deegaan ku dhow degmada Jamaame.


“Diyaaraddu waxay kasoo laabatay magaalada Jamaame oo uu howl-gal ka socdo, cillad la soo dairstay ayayna ugu dhacday duleedka degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose,” ayaa afhayeenka milateriga Kenya, Col. Obonyo ku sheegay qoraal uu soo saaray.

Maalmihii u danbeeyay ayaa diyaaradaha dagaalka Kenya waxay duqeyn ka geysanayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, halkaasi oo Al-Shabaab ka taliso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada