Kenya & Itoobiya oo ka hadlay qad cagaaran oo loo sameeyo Somalia

Kenya & Itoobiya oo ka hadlay qad cagaaran oo loo sameeyo Somalia

daajis.com:- Kenya iyo Itoobiya ayaa dood adag ka yeelanaya qad cagaaran oo ay la sameystaan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya si ay uga hortagaan Weerarada ka imaanaya Xarakadda Al Shabab, kaasoo noqon doona mid lagama soo gudbaan ah.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo la hadlayay Telefishin maxali ah oo ku yaala Kenya ayaa sheegay iney doonayaan iney qad cagaaran u sameeyaan xadka ay la wadaagaan Soomaaliya oo gaaraya 800 oo KM taas oo looga gaashamanayo ayuu yiri weerarada Al Shabab.

Ruto waxa uu Warbaahinta u sheegay in Dowladda Kenya ay wada hadalo dhinacaasi ku saabsanay ay kula jirto Itoobiya si Labadooda ay uga baxsadaan Weerarada kaga imaanaya Al Shabaab.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa yimid iyadda oo ay hal cisho ka hor Al Shabab ay ku dileen Magaaladda Mandheera dad gaaraya 37 qof.

Kenya iyo Itoobiya ayaa u arka in Labadooda in ay kaga Badbaadi karaan Weerarada Al Shabab in loo sameeyo Qadka Cagaaran Xadka ay la wadaagaan dalka Soomaaliya.
Hase ahaatee waxaa muran ka dhalan kara halka uu qadkaasi cagaaran u ka bilaaban doono, iyadoo ay jirto muran dhinaca xuduud badeeda ah oo labada dal u dhaxeeya, loona madalsan yahay in la hortago maxkamad.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada