Kulamadii xalay ee Champions League iyo Man City oo u soo baxday wareega 16-ka

Kulamadii xalay ee Champions League iyo Man City oo u soo baxday wareega 16-ka

daajis.com:-  Kooxda Manchester City ayaa u soo gudubtay wareega 16-ka ee Champions League, kadib markii ay ka adkaatay kooxda Roma, ciyaar ka dhacday garoonka Olympic Stadium ee magaalada Rome.

Man City ayaa u baahneyd kaliya guul, si ay u xaqiijisato u soo bixideeda wareega 16-ka, iyadoo maanka ku heysay xidigaha laf dhabarka u ahaa ee ka maqnaa, waxaana ay qeybtii labaad keensatay labo gool, taasoo ay guusha ugu suura gashay.

Ciyaaryahan Samir Nasri ayaa kubad gantaal aheyd hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa Man City, waxaana goolkaas uu neefta ku soo celiyay taageerayaasha Man City oo wal wal ka qabay inay tartanka ka haraan.

Zabaleta ayaa goolka labaad ee natiijada u xaqiijiyay kooxdiisa Man City, kadib markii uu baas ka helay, sidaasna Man City waxaa ugu suura gashay in kaalinta labaad ay ku soo baxaan Group E oo ay kaalinta koowaad ku soo baxday kooxda Bayern Munich oo 3-0 uga badisay Kooxda CSKA Moscow.

Kooxda Barcelona ayaa guul ay u dagaalantay ka gaartay kooxda PSG oo ay ku wada jiraan Group F, waxayna guushaas u suura gelisay inay kaalinta koowaad xajisato.

Ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic ayaa hogaanka u dhiibay PSG, iyadoo afar daqiiqo kadib uu u bar bareeyay Barcelona ciyaaryahan Messi, waxaana dhamaadkii qeybtii hore gool cajiib ah u dhaliyay Barca ciyaaryahan Neymar.

Luis Suarez ayaa goolkii u horeeyay ee Nou Camp ka dhaliyo u saxiixay Barcelona, kaasoo uu natiijada ciyaarta kaga dhigay 3-1 oo ay ku adkaatay Barcelona, kuna soo baxday kaalinta koowaad, halka PSG ay kaalinta labaad xiratay.

Natiijooyinka kale waxay ciyaarahooda ahaayeen sidan:-

Bayern Munich 3 – 0 CSKA Moscow
FT Roma 0 – 2 Manchester City

Champions League – Group F December 10
FT Ajax 4 – 0 APOEL Nicosia
FT Barcelona 3 – 1 Paris Saint Germain

Champions League – Group G December 10
FT Chelsea 3 – 1 Sporting CP
FT Maribor 0 – 1 Schalke 04

Champions League – Group H December 10
FT Athletic Bilbao 2 – 0 BATE Borisov
FT FC Porto 1 – 1 Shakhtar Donetsk






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada