Agaasimihii Wasaarada Haweenka oo xalay lagala baxay Gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari

Agaasimihii Wasaarada Haweenka oo xalay lagala baxay Gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari

daajis.com:- Agaasimihii Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadii kalsoonida lagala laabtay Maxamed Cumar Maxamed ayaa xalay gurigiisa oo ku yaal degmada Waabari lagala baxay.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo ilaa iyo hada la garan ay xalay abaarihii 12:30 ee saq dhexe ay gurigiisa kala baxeen Mas’uulkan, iyadoo aan la ogeyn halka lala aaday.

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaarada ayaa sheegaya in Agaasimaha xalay saqdii dhexe, xilli uu jiifay ay dabley hubeysan ay gurigiisa u dhaceen, dabadeedna ay la baxeen, kuwaasoo la sheegay inay gaari wateen.

Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu wadaa inay maanta shir jaraa’id qabato, kana hadasho xaalada Agaasimaha ee xalay gurigiisa lagala baxay.

Maxamed Cumar ayaa muddo sanado ahaa Agaasimaha Wasaaradda Haweenka

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Laamaha ammaanka oo ku aadan warka ku saabsan Agaasimihii Wasaarada Haweenka oo xalay gurigiisa lagala baxay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:40 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada