Kulankii Baarlamaanka oo furmay iyo dooda Mooshinka oo la dhameystirayo, kadibna codeynta

Kulankii Baarlamaanka oo furmay iyo dooda Mooshinka oo la dhameystirayo, kadibna codeynta

daajis.com:-Kulanka Baarlamaanka ayaa goor dhow furmay, iyadoo durba Gudoonka uu ku dhawaaqay in la guda galo dooda mooshinka oo ah intii ka hartay Xildhibaanadii Khamiistii is qortay ee ka doodayay Mooshinka.

Ilaa 211 Xildhibaan ayaa kulanka ka soo qeyb gashay, waxaana laga yaabaa in Xildhibaano kale oo maqan inay saacadaha soo socda ku soo biiraan.

Jawiga guud ee Xarunta Golaha shacabka ayaa ah mid degan, waxaana ciidamo fara badan la dhigay wadooyinka soo gala xarunta iyo kuwa magaalada, si loo sugo ammaanka guud.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo furay kulanka ayaa sheegay in ilaa 31 Xildhibaan oo ka hartay xildhibaanadii Khamiistii is qoray oo badankood hadlay in la dhameystirayo, kadibna codeynta loo gudbi doono.

Wariyeyaasha ayaa xaadir ku ah madasha, waxaana si aad ah dhegta loogu taagayaa natiijada ka soo bixi doonta kulanka marka ay bilaabato codeynta mooshinka ka dhanka ah Xukuumada.

Wariyaha Jowhar.com ee ku sugan xarunta Golaha shacabka ayaa soo sheegaya in laga yaabo in dooda Xildhibaanada ay gaarto ilaa bacdal duhur, isla markaana suura gal tahay in codeynta ay gaarto ilaa galabta.

Dooda Xildhibaanada oo khamiistii aheyd mid aad u kulul ayaa la filayaa intan hartay inay ka sii kululaato, waxaana Xildhibaanada ay isugu jiraan kuwo difaacaya Ra’iisul Wasaaraha iyo kuwa taageeraya.

Wixii warar ee ku soo kordha isha ku hay daqiiqad kasta daajis.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada