Video: Jawiga Nairobi oo is badalay kadib goáankii ICC

Video: Jawiga Nairobi oo is badalay kadib goáankii ICC

daajis.com:- Dadweynaha ku nool magaalada Nairobi ayaa isugu soo baxay damaashaad ay kusoo dhoweynayaan go´aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICC ay kaga laabatay dacwadii loo haystay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wadooyinka magaalada Nairobi ayaa laga dareemayay dibadbaxyo dhowr ah oo shacabka ay ku taageerayeen Madaxweyne Kenyatta iyo go´aanka ay dib ugu laabatay Maxkamadda ICC oo sheegtay in aysan hayn caddeyn ku filan eedeymaha Mr. Kenyatta oo muujinaaya inuu galay xadgudubyo.

Kenyatta greets senior government officials at the State House after his case at the ICC was dropped in the capital Nairobi


Dacwad Oogaha Maxakamadda ICC Fatou Bensouda ayaa sheegtay in iskaashi la’aan dhanka dowladda Kenya ka timid ay saameyn weyn ku yeelatey dacwadda. balse ay xaq u leedahay inay dib u furto dacwada haddii la helo caddeymo dheeri ah.

Madaxweyne Kenyatta ayaa si degdeg ah jawaab uga bixiyey go’aankaasi maxkamadda soo saartay, isagoo sheegey inuu haatan dareemayo inaanu wax qalad ah gelin oo dembi dambi saliim ka yahay.

Qareenka u doodaya madaxweyne Kenyaata,  ayaa saxaafadda u sheegaya in maxkamadda ICC laga doonayo inay raali gelin siiso Mr Kenyatta, maadaama ay ku soo oogeen dacwad iyagoo cuskanaya markhaati been ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada