Waa sidee Jawiga Xarunta Baarlamaanka Federaalka ?

Waa sidee Jawiga Xarunta Baarlamaanka Federaalka ?

daajis.com:-  Wararka haatan naga soo gaaraya xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in hadda uu si toos ah u furmay kulanka Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia kaasi oo maanta lagu soo afjaraayo dooda Mooshinka.

Jawiga Xarunta ayaa ah mid degan waxaana laga dareemayaa xaalad degnaansho, inkastoo Xildhibaanada qaar ay muujinayaan inay aad uga xunyihiin kalsooni kala laabashada R/W C/weli Sheekh Axmed.

Gudaha Xarunta ayaa waxaa ku sugan Saraakiil iyo Ciidamo dher cad, waxaana hadda la dhageysanayaa Khudbada Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.


Inta la Ogyahay Waxaa hadda kasoo qaybgalay kulanka 211 Xildhibaan, iyadoo hada ay bilaabatay dooda la xiriirta mooshinka, waxaana hadli doona 30 Xildhibaan oo kamid ah Xildhibaanadii isqoray.

Xildhibaan waliba wuxuu hadli doonaa afar daqiiqo, waxaana intaasi kadib marka ay dhamaadaan Xildhibaanada laguda geli doonaa cod u qaadista Xukuumadda.

Dhanka kale, waxaa la mamnuucay dhaqdhaqaaqyada Xildhibaanada, waxaana sidoo kale gudaha Xarunta lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Midowga Africa oo xaqiijinaayo Ammaanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada