VIDEO:- Marwada Madaxweynaha Dalka oo la kulantay haweenka ku jira Baarlamaanka

VIDEO:- Marwada Madaxweynaha Dalka oo la kulantay haweenka ku jira Baarlamaanka

daajis.com:- Kulankan ay Marwada koowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ee Soomaaliya Marwo Qamar Cali Cumar ay maanta u sameysay Xildhibaanada Qaranka Soomaaliyeed kuwooda Haweenka ah ayaa waxaa uu ku saabsanaa Wada tashi la xiriira xaalada Dalka iyo sida Haweenka Soomaaliyeed ay Door Muuqda uga qaadan karaan Xasilinta Dalka.

Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa waxaa Xildhibaanada ku amaantay Doorka ay ka qaadanayaan u ololeynta Wanaaga iyo sida ay Marwalba diyaarka ugu yihiin in Dalku Dhibaatada ka baxo islamarkaana Soomaaliya oo nabad ah ay dib cagaheeda isugu taagto Iyadoo Xildhibaanaduna ay Amaan u soo jeediyeen Marwo Qamar Cali Cumar.


Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xildhibaan Maryama Cariif Qaasim oo kulanka Qadada ah kadib ka Hadlay Goobta ayaa waxaa ay Marwada uga Mahadceliyeen Marti qaadka ay u sameysay iyo Sida Marwalba ay diyaarka ugu tahay isku xirka Haweenka Soomaaliyeed Iyagoo Balan qaaday in marwalba Wada shaqeyn Dhow la yeelan doonaan.

Marwo Qamar Cali Cumar Marwada Koowaad Ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo Ugu Dambeyn ka hadashay Kulanka ayaa ku amaantay Xildhibaanada iyo Wasiirada Haweenka ah Ee Dowladda ku jira sida ay ugu shaqeynayaan dalka iyo dadka, Iyadoo u soo Gudbisay Salaan ay uga siday Madaxweynaha dalka Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada